Ceerigaabo, August 14, 2009 (Haatuf) - Iska hor-imaad halis-geliyey xasiloonida magaalada ayaa shalay ka dhacay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaanu iska hor-imaadkaasi dhex-maray taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga UDUB.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Ceerigaabo Maxamud S. Ducaale iska hor-imaadkaasi waxa uu ka bilaabmay, ka dib markii ay kooxo la soo abaabulay oo taageersan xisbiga UDUB ay tageen xafiiska xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo, dabadeedna ay shiideen, isla markaana batar iyo cayaar ka hor-qabsadeen, iyaga oo jebiyey albaabka xafiiska Kulmiye, taasna waxa ka cadhooday taageerayaasha xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si gadood ah uga jawaabay falkaas, waxaana hadh-beelay shiidka iyo fara-saarka gacanta la isula tegay, hase yeeshee wax dhaawac iyo dhimasho ah midna muu geysan iska hor-imaadkaasi..
Taageerayaasha xisbiga waxa loo soo abaabulay inay ka qayb galaan ololaha xisbiga UDUB, waxaana khud-bado looga jeediyey fagaaraha Xoriyadda, halkaas oo ahayd meel ay isugu yimaadeen, dabadeedna markii ay halkaa ka soo dareereen ayey toos u tageen xafiiska xisbiga Kulmiye oo ay ku talaabsadeen inay jejebiyaan albaabka xafiiska, isla markaana ay cayaar ka hor-qabsadaan.
Kooxo dad ah oo ah taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa inta la soo abaabulay waxa la isugu keenay meel fagaare ah, dabadeedna waxa khud-bado u jeediyey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir-kuxigeenka cadaaladda Yuusuf Ciise Talaabo oo hadda Ceerigaabo ku sugan iyo gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Ceerigaabo, waxayna wasiir-kuxigeenka Cadaaladda iyo masuuliyiinta UDUB ee halkaa ka hadlay canbaarayn u soo jeediyeen labada xisbi ee mucaaradka ah (UCID & KULMIYE) iyo golaha wakiilada Somaliland oo ay ku tilmaameen inay qaranka duminayaan. Hase yeeshee markii ay dhamaadeen khud-badihii halkaa looga jeedinayey taageerayaasha UDUB ayey kooxaha taageerayaasha UDUB oo ay hogaaminayso guddoomiyaha garrabka haweenka UDUB ee Ceerigaabo, Aamina Cali-yare Shibbiin u dhaqaaqeen dhinaca xafiiska Kulmiye oo ay cayaar Somali ka horqabsadeen, dabadeedna markii la maqlay sawaxanka ka baxaya xafiiska Kulmiye hortiisa ayey dad aad u tiro badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye u soo foofeen dhinaca xafiiska Kulmiye, waxaana markiiba bilaabmay shiid, taas oo ay taageerayaasha xisbiga dhagax sida roobka kaga dhigeen qoladii taageerayaasha xisbiga UDUB, waxaana kooxihii taageerayaasha UDUB ee xafiiska Kulmiye caydhsaday dad gadoodsan oo taageerayaasha xisbiga Kulmiye, taasina waxay khatar gelin gaadhay xasiloonida magaalada, hase yeeshee iska hor-imaadku ma sii socon waqti badan, iyadoo ay markiiba dadweynaha dammiyeen iska hor-imaadka halkaa ka dhacay, iyadoo uu wasiir-kuxigeenka cadaaladdu si qaawan u weeraray hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga UCID.
Hab-dhaqanka ay qolada UDUB rabshadda la hortageen xafiiska Kulmiye waxay ahayd dhacdo ku cusub gobolka oo aan hore uga dhicin, waxaana loo arkay talaabo fool-xun oo horseedi karta qalalaase halis geliya xasiloonida iyo nabad-gelyada gobolka, hase yeeshee ciidamada bilaysku wax talaabo ah kama ay qaadin dadkii falkaa ku kacay.
Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee Ceerigaabo oo weriyaha Haatuf wax ka waydiiyey arintaa ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo sababta keentay falka ay ku kaceen taageerayaashoodu, wuxuuna yidhi “ma ogi, mana garanayo cid halkaa (xafiiska kulmiye) tagtay”.
Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo oo isna arintaa ka hadlay ayaa yidhi “waa dhacdadii labaad ee lala yimaado xafiiskayaga, waana arin ay ku soo talo-galeen, oo ay doonayaan inay rabshadi ka dhacdo magaalada, mana jirto cid looga dacwoodo, gobolkana wax Komishan ahi kama magacawna, falka dhacayna waxa hogaaminayey madaxda xisbiga UDUB, waxayna doonayeen inay rabshadda galbeed ka bilaabmi-weyday halkan laga bilaabo
No comments:
Post a Comment