Maxamed Ismaaciil Kabo-Wayne: Xubin Komishanka Doorashooyinka
Hargeysa, August 15, 2009 (Haatuf) Maxamed Ismaaciil ( Kabo weyne ) oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee saxeexay go,aankii lagu laaley Diiwaangelinta, ayaa sheegay in Komishanka iyo Xisbiga UDUB ay isku raaceen in diiwaangelinta la joojiyo, halka ay labada xisbi ee mucaaridkuna yidhaahdeen diiwaangelinta ha lagu galo doorashada, isaga oo sheegay in sababta ay axsaabta ula tashan waayeen ka hor go,aankoodii laalista diiwaangelinta inay ahayd markii aanu aragnay axsaabtii oo aan xidhiidh nala samaynayn.
Mr. Kabo weyne waxa kale oo uu sheegay in dhaliisha diiwaangelinta aanay Komishanku keligood lahayn, balse ay la wadaagaan Xukuumada iyo axsaabtu, sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta, waraysigaasi waxyaabihii uu kaga hadlayna waxa ka mid ahaa oo uu yidhi
“Komishanka doorashooyinku markuu arkay khaladaadka diiwaangelinta waxa uu go’aan ku gaadhay in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin, waxaana jiray dad badan oo farahoodii la waayey, taasina hadhaw goobtii ayey rabshad ka abuuraysaa oo qof aan dambi gelin doorashadii uu xaqa u lahaa codayn maysid marka la yidhaahdo wuxu doono ayuu samaynayaa.
Dhaliisha diiwaangelinta Komishanka oo keliyi malaha ee waxa ay dusha u saaran tahay Xukuumadda, Axsaabta, goob kastana waxa ka hawl galay 8 qof oo ka kala yimid Arrimaha guddaha, Komishanka, Xisbiyada qaranka iyo Maxkamadda.
Ninkii hawshan gacanta ku hayey wuxuu soo dhigay saddex arimood, markii aanu ka baaraan degnay ayuu Komishanku go’aankaas gaadhay, iyada oo aan mar danbe 27-ka September dib looga dhigi kareyn adduunka iyo ummadda Somaliland isku raacday in wakhtigaas doorashada loo qabtay aanay dib uga dhicin.
Haya’addii hawshan gacanta ku haysay ayaa keentay in dib u dhacdo diiwaangelintu iyo in doorashada bilaa diiwaangelin lagu galo.
Komishanka doorashooyinka iyo Xisbiga UDUB waxay isku raaceen in diiwaangelinta la joojiyo, Axsaabta mucaaridkuna waxay yidhaahdeen diiwaangelinta halagu galo doorashada, markaas in waxaas la isla eego ayaa loo baahan yahay.
Ummadeenu ilaa Lixdankii xoriyad ayey sugayeen, kolba siyaasi ayey ka dhursugayaan waa in la eego ummadeenan dalka jecel ee shilimadooda gashaday.
Ninkasta oo siyaasi ahi ummada ayuu cod ka doonayaa in laga fogaado maslaxada maaha ee waa in lagu soo dhawaado waxa dantu ku jirto, waxa igu maqaalo ah in nimankii qaadhaan bixiyayaasha ee maanta iman lahaa yidhaahdeen waar nimankan hala isku daayo iyagaa wada fadhiisan doonee.
Maxamed Ismaaciil Kaba wayne oo la weydiiyay mar haddii Xisbiyadii mucaaridku qaadaceen natiijadii diiwaangelinta, isla markaana diideen doorasho aan diiwaangelin lahayn cida ay garsoorka u yihiin , ayaa ku jawaabay “ Anagu Xisbi keliya garsoor u noqon mayno.”
Mr Kabo weyne oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha hadalkii uu dhawaan Madaxweyne Rayaale sheegay ee ahaa in Haya’adda Interpeace inay qaadatay macluumaadkii diiwaangelinta, halka uu ka keenay madaama ay masuuliyadooda tahay, waxaanu ku jawaabay “ Horta odhan maayo Interpeace ayaa wax qaadatay inkasta oo ay gacanta ku haysay macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, laakiin way jirtaa daato ay Nairoobi geyysay.”
Maxamed Ismaaciil Kabo weyne oo la weydiiyey su’aal ahayd waxa ay Xisbiyada ula tashan waayeen inta aanay go’aanka laalista diiwaangelinta ku dhawaaqin, isaga oo ka jawaabayana waxa uu yidhi “ sababta aanu ula tashan weynay waxay ahayd markii aanu aragnay Axsaabtii oo aan xidhiidh nala samaynayn, markii aanu aragnay wakhtigii oo kooban iyo qaadhaan bixiyayaashii oo lacagtii bixin ayaanu go’aankaas gaadhnay.”
Mar la weydiiyey haddii Xisbiyada mucaaridku sidaa ku diidaan inay is casilayaan waxa uu yidhi “ qofka danta qaranka wadaa ee bani aadamka ahi oo shalay nagu qasbaayey maxaad waqtiga u kordhinaysaan, adigu maxaad ka soo qaadi lahayd.”
Waxaad sheegtay in hanti badani ku baxday isla markaaana aan talo qaran laga yeelan maxaad ku diidaysaa in aad is casishaan isaga oo ka jawaabaya ayaa yidhi “ Casilaadu waa wax fudud; laakiin maxaa ka dhalan kara diyaarse ma u yihiin inay wakhti danbe qaadato.”
Mar la weydiiyey su’aal ahayd wakhtigii diiwaangelinta waxa soo baxay in macluumaadka loo gudbin doono dalal kale imikana waxa soo baxday in dhaatooyinkii la geeyay dalal kale, taasi mar haddii ay cadaatay sow dambi qaran maydaan gelin, waxaanu yidhi “ Diiwaangelinta hanti badan ayeynu gelinay kamaan hadal hala daadiyo.”
