Saturday, August 15, 2009

“Sababta Aanu Axsaabta Ula Tashan Weynay Waxay Ahayd Markii Aanu Aragnay Iyaga Oo Aan Xidhiidh Nala Sameynayn”

Maxamed Ismaaciil Kabo-Wayne: Xubin Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, August 15, 2009 (Haatuf) Maxamed Ismaaciil ( Kabo weyne ) oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee saxeexay go,aankii lagu laaley Diiwaangelinta, ayaa sheegay in Komishanka iyo Xisbiga UDUB ay isku raaceen in diiwaangelinta la joojiyo, halka ay labada xisbi ee mucaaridkuna yidhaahdeen diiwaangelinta ha lagu galo doorashada, isaga oo sheegay in sababta ay axsaabta ula tashan waayeen ka hor go,aankoodii laalista diiwaangelinta inay ahayd markii aanu aragnay axsaabtii oo aan xidhiidh nala samaynayn.

Mr. Kabo weyne waxa kale oo uu sheegay in dhaliisha diiwaangelinta aanay Komishanku keligood lahayn, balse ay la wadaagaan Xukuumada iyo axsaabtu, sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta, waraysigaasi waxyaabihii uu kaga hadlayna waxa ka mid ahaa oo uu yidhi

“Komishanka doorashooyinku markuu arkay khaladaadka diiwaangelinta waxa uu go’aan ku gaadhay in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin, waxaana jiray dad badan oo farahoodii la waayey, taasina hadhaw goobtii ayey rabshad ka abuuraysaa oo qof aan dambi gelin doorashadii uu xaqa u lahaa codayn maysid marka la yidhaahdo wuxu doono ayuu samaynayaa.

Dhaliisha diiwaangelinta Komishanka oo keliyi malaha ee waxa ay dusha u saaran tahay Xukuumadda, Axsaabta, goob kastana waxa ka hawl galay 8 qof oo ka kala yimid Arrimaha guddaha, Komishanka, Xisbiyada qaranka iyo Maxkamadda.

Ninkii hawshan gacanta ku hayey wuxuu soo dhigay saddex arimood, markii aanu ka baaraan degnay ayuu Komishanku go’aankaas gaadhay, iyada oo aan mar danbe 27-ka September dib looga dhigi kareyn adduunka iyo ummadda Somaliland isku raacday in wakhtigaas doorashada loo qabtay aanay dib uga dhicin.

Haya’addii hawshan gacanta ku haysay ayaa keentay in dib u dhacdo diiwaangelintu iyo in doorashada bilaa diiwaangelin lagu galo.

Komishanka doorashooyinka iyo Xisbiga UDUB waxay isku raaceen in diiwaangelinta la joojiyo, Axsaabta mucaaridkuna waxay yidhaahdeen diiwaangelinta halagu galo doorashada, markaas in waxaas la isla eego ayaa loo baahan yahay.

Ummadeenu ilaa Lixdankii xoriyad ayey sugayeen, kolba siyaasi ayey ka dhursugayaan waa in la eego ummadeenan dalka jecel ee shilimadooda gashaday.

Ninkasta oo siyaasi ahi ummada ayuu cod ka doonayaa in laga fogaado maslaxada maaha ee waa in lagu soo dhawaado waxa dantu ku jirto, waxa igu maqaalo ah in nimankii qaadhaan bixiyayaasha ee maanta iman lahaa yidhaahdeen waar nimankan hala isku daayo iyagaa wada fadhiisan doonee.

Maxamed Ismaaciil Kaba wayne oo la weydiiyay mar haddii Xisbiyadii mucaaridku qaadaceen natiijadii diiwaangelinta, isla markaana diideen doorasho aan diiwaangelin lahayn cida ay garsoorka u yihiin , ayaa ku jawaabay “ Anagu Xisbi keliya garsoor u noqon mayno.”

Mr Kabo weyne oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha hadalkii uu dhawaan Madaxweyne Rayaale sheegay ee ahaa in Haya’adda Interpeace inay qaadatay macluumaadkii diiwaangelinta, halka uu ka keenay madaama ay masuuliyadooda tahay, waxaanu ku jawaabay “ Horta odhan maayo Interpeace ayaa wax qaadatay inkasta oo ay gacanta ku haysay macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, laakiin way jirtaa daato ay Nairoobi geyysay.”

Maxamed Ismaaciil Kabo weyne oo la weydiiyey su’aal ahayd waxa ay Xisbiyada ula tashan waayeen inta aanay go’aanka laalista diiwaangelinta ku dhawaaqin, isaga oo ka jawaabayana waxa uu yidhi “ sababta aanu ula tashan weynay waxay ahayd markii aanu aragnay Axsaabtii oo aan xidhiidh nala samaynayn, markii aanu aragnay wakhtigii oo kooban iyo qaadhaan bixiyayaashii oo lacagtii bixin ayaanu go’aankaas gaadhnay.”

Mar la weydiiyey haddii Xisbiyada mucaaridku sidaa ku diidaan inay is casilayaan waxa uu yidhi “ qofka danta qaranka wadaa ee bani aadamka ahi oo shalay nagu qasbaayey maxaad waqtiga u kordhinaysaan, adigu maxaad ka soo qaadi lahayd.”

Waxaad sheegtay in hanti badani ku baxday isla markaaana aan talo qaran laga yeelan maxaad ku diidaysaa in aad is casishaan isaga oo ka jawaabaya ayaa yidhi “ Casilaadu waa wax fudud; laakiin maxaa ka dhalan kara diyaarse ma u yihiin inay wakhti danbe qaadato.”

Mar la weydiiyey su’aal ahayd wakhtigii diiwaangelinta waxa soo baxay in macluumaadka loo gudbin doono dalal kale imikana waxa soo baxday in dhaatooyinkii la geeyay dalal kale, taasi mar haddii ay cadaatay sow dambi qaran maydaan gelin, waxaanu yidhi “ Diiwaangelinta hanti badan ayeynu gelinay kamaan hadal hala daadiyo.”

Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Ucid & Kulmiye Oo Quus Ka Taagan Doorasho Dalka Ka Dhacda,Kana Fikiraysa Jihada Ay U Dhaqaaqayaan

Hargeysa, August 14, 2009 (Haatuf)- Labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE ayaa u muuqda inay dhinac isaga leexiyeen filashadoodii ahayd inay xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo komishanka qaranku dalka ka qabtaan doorasho la aamini karo, sidaa darteedna waxay labada xisbi ee mucaaradka ahi hadda ka fekerayaan dariiqii kale ee ay qaadi lahaayeen.

Sida ay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen kulamo is-dabajoog ah oo ay gooni-gooni iyo wadar-ba isu arkayaan ayaa u socda hogaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE, waxaanay ka fekerayaan mawqifkii kama dambaysta ahaa ee ay ka qaadan lahaayeen xaaladda murugsan ee soo waajahday geeddi socodkii hawlaha doorashada Somaliland, taas oo muddo dheer la naawilayey inay dalka doorasho ka dhacdo, hase yeeshee marka la is-yidhaahdo hadda ayey doorashadii soo dhowaatayba mushkilad aan la filayn ayaa la currinayaa, taasina waxay noqotay caqabad soo noq-noqonaysa oo rajo la’aan ka dhigtay doorasho dalka ka dhacda.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay ilo ku dhow-dhow labada xisbi ee mucaaradka ah waxay hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradku hadda u arkaan inay doorasho madaxweyne Rayaale dalka ka qabto rajadeedii dhimatay, sidaa darteed ay ka fekerayaan jihadii ay u dhaqaaqi lahaayeen, waxayna wararku intaa ku darayaan inay iyagana meel iska dhigeen kalsoonidii ay ku qabeen komishanka doorashooyinka qaranka, oo ay isku qanciyeen inaanay komishanku dhex-dhexaad ahayn ee ay dhinaca madaxweyne Rayaale u janjeedhaan.

Sida ay wararku sheegayaan waxyaalaha ay labada xisbi ee mucaaradka ahi ku go’aan qaadanayaan waxa ka mid ah inaanay aqbalayn doorasho bilaa diiwaangelin ah iyo doorasho aanay goob joog ahayn beesha caalamku, taas oo ay madaxweyne Rayaale iyo komishanka qaranku ku dhawaaqeen inay doorashada dalka ka dhacaysaa tahay bilaa diiwaangelin, taas oo ay xisbiyada mucaaradkuna ganafka ku dhufteen. Sidoo kale waxa si weyn isugu dhacay xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo hayadda Interpeace ee Somaliland ka caawin jirtay arimaha doorashooyinka, taas oo keentay inay xukuumaddu dalka ka saarto hay,adda Interpeace, waxayna talaabada ay xukuumadda Rayaale iyo komishanka doorashooyinku ku laaleen natiijadii diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo eriga hay,adda Interpeace ka cadhaysiisay qaadhaan-bixiyayaasha beesha caalamka ee Somaliland ka caawin jiray hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, kuwaas oo canbaareeyey go’aanka ay komishanka iyo madaxweyne Rayaale qaateen.

Sidoo kale golaha wakiilada ayaa toddobaadkan soo saaray go’aan uu ku xaaraantinimaynayo sharciyadda go’aankii ay komishanka iyo xukuumaddu ku laaleen natiijadii diiwaangelinta, taas oo ay wakiiladu go’aankooda hoosta kaga xariiqeen inuu go’aanka laalista diiwaangelintu qayral-sharci ahaa oo uu baal marsanaa dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxayna dhamaan dhinacyada kala duwan ee aynu kor ku soo sheegnay ugu baaqeen madaxweyne Rayaale iyo komishanka inay ka noqdaan go’aanka caynkaas ah, hase yeeshee dheg-jalaq looma siin, waxaanay xukuumadda iyo komishankuba kaga jawaabeen diidmo qalafsan.

Sidaa darteed labada xisbi ee mucaaradka ahi markii ay arkeen halka uu xaal marayo ayey bilaabeen inay talo ka yeeshaan arimaha murugsan ee taagan, waxayna wararku tibaaxayaan inay quus iyo samir ka taagan yihiin doorasho ay madaxweyne Rayaale iyo komishanka hadda joogaa dalka ka qabtaan, sidaa darteedna ay u socdaan shirar wada-tashiyo ah oo ay kaga arinsanayaan tubtii ay qaadi lahaayeen. Hase yeeshee lama oga sida ay yeelayaan iyo qorshe siyaasadeedka ay ku waajahayaan marxaladda cusub ee soo korodhay.

Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarad oo shir-jaraaid wada jir u qabtay

Hargeysa(Qarannews)-labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ee kulmiye iyo ucid ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen hotel mansoor si wada jir ah ugu sheegay in aan mar dambe doorashada dib loo dhigi doonin ilaa go'aankii hore ay xukuumada iyo komishanku ay isla qaateen laga noqodo aanay wada hadalo la yeelan doonin,isla markaana si wada jir ah ugu baaqay taageerayaasha labada xisbi inay mudaharaad sameeyaan iskuna soo baxaan maalinta salaasada ah.
baaqan mudaharaadada ah ayaa ah mid dhawaanahanba looga bartay xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye, taas oo caado u noqotay in uu ugu baaqo taageerayaashiisa,iyadoo ay caadiyanba isku dhacaan ciidanka nabad sugida iyo shacabka taageersan xisbiga kulmiye.
si kastaba ha ahaatee tani waa mid hor leh oo labada xisbi u dhan yihiin inay bannaan bax sameeyaan taas oo an la saadaalin karin in rabshado ay iman karaan iyo inkale, maadaama oo ay tahay mid uguba oo ay u dhan yihiin labada xisbi isla markaan ku cusub shacabka .
dhankastaba ha u dhacdee arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaridku ay samaysteen gudi dhex ah oo ka kooban labada xisbi, isla markaana ay qaaten go'aan ah in diiwaan-gelin lagu galo doorashada madaxtooyada qaranka.
shirkani jaraa'id oo maanta ay iskugu yimaadeen dhamaanba warbaahinta dalka,kan hadleen laba gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah mudane axmed maxamed maxamuud{siiraanyo},iyo Eng.faysal cali waraabe.
halkaasi oo uu ugu horeynba ka hadlay guddomiyaha xisbiga kulmiye mudan Axmed siiranyo waxaana uu yidhi"hadaanu nahay labada xisbi waxaaanu ka wada hadlaynaa inaan mar dambe doorashada dib loo dhigin ilaa go'aanka laga noqdana anan wada hadal la yeelan doonin" gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay kuna dheeraaday in aan warbaahinta dawlada aanay dhex ahayn una xidhan tahay xisbiga talada haya oo kaliya .taasi oo uu ku sheegay mudane siiraanyo mid ku cusub dunida waxaanu intaa ku daray "waxaanu xaq u leenahay oo la arki jiray in loo sinaado hantida dawlada oo uu dadku wada leeyahay ha u muhiimsanaato warbaahintuye" arrintani ayaa ah mid guddomiyaha kulmiye uu inta badan ku dacwiyo kuna dhaleeceeyo xukuumada talada haysa.
guntii iyo gabagabadiina wuxuu siiraanyo wuxuu hadalkiisa ku soo afmeeray oo uu sheegay isla markaana goobta kula saxeexday heshiiska gudida labada xisbi, isagoo shacbigana ugu baaqay inay banaaan bax ku taageeran.

dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. faysal cali waraabe ayaa isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan siyaasada waayahan dambe laysku hayo isla markaana jiho habaabisay shacabka reer somaliland ,wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan"waxaanu aragnaa oo muuqata in madaxweyne riyaale uu u arko danta qaranka dan uu isagu leeyahay "
mudane faysal isaga oo taa ka duulaya wax uu si watay hadalkiisa kuna yidhi"waa inuu ilaaliyo dastuurka iyo shuruuucda dalka u taala oo aaanu u horseedin dhibaato"waxa kale oo uu gudoomiyuhu carabaabay hadii ay yihiin labada xisbi ee mucaaradka ah ay sannad iyo lixbilood kordhiyeen xukuumada tallada haysa isla markaana buu yidhi "aanu ku nidhi idinka oo dawlada ah nala tartama" Eng.faysal isagoo ku dheeraaday hadalkiisa waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlaya sulaadiinta dalka "sulaadiinta waxaanu leenahay shaqadiina ku eekaada oo beelihinii iyo magtiini qabta".
intaasi ka dib su'aalo badan oo ay saxaafadu waydiisay labada guddoomiye ayaa ay ku sheegeen inay ka midaysan yihiin mawqifka adag ee bannaan baxa ee ay wada qaateen.
sida ay hadalka u dhigeen iyagoo dhawraya amniga iyo xasiloonida dalka iyo inay doonayaan in la sameeyo dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah.
mar wax laga waydiiyay labada gudoomiye xaalada adag ee uu dalku ku jiro ee ku saabsan ololaha doorashada iyo sida ay maalin iyagoo isku duuban u banaan bixi karaan?
waxay ku jawaabeen "labadayadii maalmood ayaanu maalin isku qaadanaynaa mana jiro wax naga hor joogsanayaa".
waxa kale oo isla goobtasi lagu waydiyay Eng.faysal
waxaa jira in xukuumadu kugu eedaysay in aad tahay dambiile qaran isla markaana laguu gu hanjabay in lagu xidhi doono taa maxaad ka qabtaa?
su'aashan oo aanu wax jawaab ah ka bixin Eng.faysal ayaa wax ka jawaabay Axmed siiranyo waxaanu yidhi"cidii dambiile ahi way caday waanay muuqataa una malayn maayo in hanjabaad wax lagaga qaadayo faysal".
iskusoo wada duuboo waxaa intaa lagu soo gunaanaday shirkan jara'id ee sida wada jirka ah ay labada xisbi ugu qabteen hotel mansoor isagoo ahaa mid si weyn saxaafadu u sugaysay,waxaanu ku soo gabgaboobay jawi dareenkiisa leh.


dhanka kale waxaa si weyn loo sugaya ifafaalada ka soo bixi doonta bannaan baxa ay abaabulayaaan labada xisbi mucaarad ee soomaliland hase ahaate baaqan ay xisbiyada mucaaradku haatan ku dhawaaqeen ayaan rajo weyn u noqonayn in khilaafka siyaasadeed ee hada lagu jiro aanu wax isku soo dhaweyn ah keenayn , baaqan oo loo balan san yahay maalint salaasada ee bishu tahay 18-8-2009 , si kastaba ha ahaatee waxaa jiray waxaa soo maray dalka banaan baxyo hore oo fashilmay isla markaana uu abaabulayay xisbiga kulmiye kuwaas oo isku dhac shacabka iyo ciidanka ahi ka yimaadeen, inkasta oo kani ka duwan yahay oo ay u dhan yihiin labada xisbi mucaarad ee kulmiye iyo ucid.

Qarannews desk

Ololaha Xisbiga UDUB Oo Ka Dhaliyay Ceerigaabo Rabshado &Gacan Ka Hadal Dhex Maray Taageerayoosha Iyo Kuwa Kulmiye

Ceerigaabo, August 14, 2009 (Haatuf) - Iska hor-imaad halis-geliyey xasiloonida magaalada ayaa shalay ka dhacay xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaanu iska hor-imaadkaasi dhex-maray taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha xisbiga UDUB.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Ceerigaabo Maxamud S. Ducaale iska hor-imaadkaasi waxa uu ka bilaabmay, ka dib markii ay kooxo la soo abaabulay oo taageersan xisbiga UDUB ay tageen xafiiska xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo, dabadeedna ay shiideen, isla markaana batar iyo cayaar ka hor-qabsadeen, iyaga oo jebiyey albaabka xafiiska Kulmiye, taasna waxa ka cadhooday taageerayaasha xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si gadood ah uga jawaabay falkaas, waxaana hadh-beelay shiidka iyo fara-saarka gacanta la isula tegay, hase yeeshee wax dhaawac iyo dhimasho ah midna muu geysan iska hor-imaadkaasi..

Taageerayaasha xisbiga waxa loo soo abaabulay inay ka qayb galaan ololaha xisbiga UDUB, waxaana khud-bado looga jeediyey fagaaraha Xoriyadda, halkaas oo ahayd meel ay isugu yimaadeen, dabadeedna markii ay halkaa ka soo dareereen ayey toos u tageen xafiiska xisbiga Kulmiye oo ay ku talaabsadeen inay jejebiyaan albaabka xafiiska, isla markaana ay cayaar ka hor-qabsadaan.

Kooxo dad ah oo ah taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa inta la soo abaabulay waxa la isugu keenay meel fagaare ah, dabadeedna waxa khud-bado u jeediyey masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir-kuxigeenka cadaaladda Yuusuf Ciise Talaabo oo hadda Ceerigaabo ku sugan iyo gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Ceerigaabo, waxayna wasiir-kuxigeenka Cadaaladda iyo masuuliyiinta UDUB ee halkaa ka hadlay canbaarayn u soo jeediyeen labada xisbi ee mucaaradka ah (UCID & KULMIYE) iyo golaha wakiilada Somaliland oo ay ku tilmaameen inay qaranka duminayaan. Hase yeeshee markii ay dhamaadeen khud-badihii halkaa looga jeedinayey taageerayaasha UDUB ayey kooxaha taageerayaasha UDUB oo ay hogaaminayso guddoomiyaha garrabka haweenka UDUB ee Ceerigaabo, Aamina Cali-yare Shibbiin u dhaqaaqeen dhinaca xafiiska Kulmiye oo ay cayaar Somali ka horqabsadeen, dabadeedna markii la maqlay sawaxanka ka baxaya xafiiska Kulmiye hortiisa ayey dad aad u tiro badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye u soo foofeen dhinaca xafiiska Kulmiye, waxaana markiiba bilaabmay shiid, taas oo ay taageerayaasha xisbiga dhagax sida roobka kaga dhigeen qoladii taageerayaasha xisbiga UDUB, waxaana kooxihii taageerayaasha UDUB ee xafiiska Kulmiye caydhsaday dad gadoodsan oo taageerayaasha xisbiga Kulmiye, taasina waxay khatar gelin gaadhay xasiloonida magaalada, hase yeeshee iska hor-imaadku ma sii socon waqti badan, iyadoo ay markiiba dadweynaha dammiyeen iska hor-imaadka halkaa ka dhacay, iyadoo uu wasiir-kuxigeenka cadaaladdu si qaawan u weeraray hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga UCID.

Hab-dhaqanka ay qolada UDUB rabshadda la hortageen xafiiska Kulmiye waxay ahayd dhacdo ku cusub gobolka oo aan hore uga dhicin, waxaana loo arkay talaabo fool-xun oo horseedi karta qalalaase halis geliya xasiloonida iyo nabad-gelyada gobolka, hase yeeshee ciidamada bilaysku wax talaabo ah kama ay qaadin dadkii falkaa ku kacay.

Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee Ceerigaabo oo weriyaha Haatuf wax ka waydiiyey arintaa ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo sababta keentay falka ay ku kaceen taageerayaashoodu, wuxuuna yidhi “ma ogi, mana garanayo cid halkaa (xafiiska kulmiye) tagtay”.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Ceerigaabo oo isna arintaa ka hadlay ayaa yidhi “waa dhacdadii labaad ee lala yimaado xafiiskayaga, waana arin ay ku soo talo-galeen, oo ay doonayaan inay rabshadi ka dhacdo magaalada, mana jirto cid looga dacwoodo, gobolkana wax Komishan ahi kama magacawna, falka dhacayna waxa hogaaminayey madaxda xisbiga UDUB, waxayna doonayeen inay rabshadda galbeed ka bilaabmi-weyday halkan laga bilaabo