Saturday, August 15, 2009

Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Ucid & Kulmiye Oo Quus Ka Taagan Doorasho Dalka Ka Dhacda,Kana Fikiraysa Jihada Ay U Dhaqaaqayaan

Hargeysa, August 14, 2009 (Haatuf)- Labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE ayaa u muuqda inay dhinac isaga leexiyeen filashadoodii ahayd inay xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo komishanka qaranku dalka ka qabtaan doorasho la aamini karo, sidaa darteedna waxay labada xisbi ee mucaaradka ahi hadda ka fekerayaan dariiqii kale ee ay qaadi lahaayeen.

Sida ay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen kulamo is-dabajoog ah oo ay gooni-gooni iyo wadar-ba isu arkayaan ayaa u socda hogaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE, waxaanay ka fekerayaan mawqifkii kama dambaysta ahaa ee ay ka qaadan lahaayeen xaaladda murugsan ee soo waajahday geeddi socodkii hawlaha doorashada Somaliland, taas oo muddo dheer la naawilayey inay dalka doorasho ka dhacdo, hase yeeshee marka la is-yidhaahdo hadda ayey doorashadii soo dhowaatayba mushkilad aan la filayn ayaa la currinayaa, taasina waxay noqotay caqabad soo noq-noqonaysa oo rajo la’aan ka dhigtay doorasho dalka ka dhacda.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay ilo ku dhow-dhow labada xisbi ee mucaaradka ah waxay hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradku hadda u arkaan inay doorasho madaxweyne Rayaale dalka ka qabto rajadeedii dhimatay, sidaa darteed ay ka fekerayaan jihadii ay u dhaqaaqi lahaayeen, waxayna wararku intaa ku darayaan inay iyagana meel iska dhigeen kalsoonidii ay ku qabeen komishanka doorashooyinka qaranka, oo ay isku qanciyeen inaanay komishanku dhex-dhexaad ahayn ee ay dhinaca madaxweyne Rayaale u janjeedhaan.

Sida ay wararku sheegayaan waxyaalaha ay labada xisbi ee mucaaradka ahi ku go’aan qaadanayaan waxa ka mid ah inaanay aqbalayn doorasho bilaa diiwaangelin ah iyo doorasho aanay goob joog ahayn beesha caalamku, taas oo ay madaxweyne Rayaale iyo komishanka qaranku ku dhawaaqeen inay doorashada dalka ka dhacaysaa tahay bilaa diiwaangelin, taas oo ay xisbiyada mucaaradkuna ganafka ku dhufteen. Sidoo kale waxa si weyn isugu dhacay xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo hayadda Interpeace ee Somaliland ka caawin jirtay arimaha doorashooyinka, taas oo keentay inay xukuumaddu dalka ka saarto hay,adda Interpeace, waxayna talaabada ay xukuumadda Rayaale iyo komishanka doorashooyinku ku laaleen natiijadii diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo eriga hay,adda Interpeace ka cadhaysiisay qaadhaan-bixiyayaasha beesha caalamka ee Somaliland ka caawin jiray hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, kuwaas oo canbaareeyey go’aanka ay komishanka iyo madaxweyne Rayaale qaateen.

Sidoo kale golaha wakiilada ayaa toddobaadkan soo saaray go’aan uu ku xaaraantinimaynayo sharciyadda go’aankii ay komishanka iyo xukuumaddu ku laaleen natiijadii diiwaangelinta, taas oo ay wakiiladu go’aankooda hoosta kaga xariiqeen inuu go’aanka laalista diiwaangelintu qayral-sharci ahaa oo uu baal marsanaa dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waxayna dhamaan dhinacyada kala duwan ee aynu kor ku soo sheegnay ugu baaqeen madaxweyne Rayaale iyo komishanka inay ka noqdaan go’aanka caynkaas ah, hase yeeshee dheg-jalaq looma siin, waxaanay xukuumadda iyo komishankuba kaga jawaabeen diidmo qalafsan.

Sidaa darteed labada xisbi ee mucaaradka ahi markii ay arkeen halka uu xaal marayo ayey bilaabeen inay talo ka yeeshaan arimaha murugsan ee taagan, waxayna wararku tibaaxayaan inay quus iyo samir ka taagan yihiin doorasho ay madaxweyne Rayaale iyo komishanka hadda joogaa dalka ka qabtaan, sidaa darteedna ay u socdaan shirar wada-tashiyo ah oo ay kaga arinsanayaan tubtii ay qaadi lahaayeen. Hase yeeshee lama oga sida ay yeelayaan iyo qorshe siyaasadeedka ay ku waajahayaan marxaladda cusub ee soo korodhay.

No comments:

Post a Comment