Hargeysa(Qarannews)-labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ee kulmiye iyo ucid ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen hotel mansoor si wada jir ah ugu sheegay in aan mar dambe doorashada dib loo dhigi doonin ilaa go'aankii hore ay xukuumada iyo komishanku ay isla qaateen laga noqodo aanay wada hadalo la yeelan doonin,isla markaana si wada jir ah ugu baaqay taageerayaasha labada xisbi inay mudaharaad sameeyaan iskuna soo baxaan maalinta salaasada ah.
baaqan mudaharaadada ah ayaa ah mid dhawaanahanba looga bartay xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye, taas oo caado u noqotay in uu ugu baaqo taageerayaashiisa,iyadoo ay caadiyanba isku dhacaan ciidanka nabad sugida iyo shacabka taageersan xisbiga kulmiye.
si kastaba ha ahaatee tani waa mid hor leh oo labada xisbi u dhan yihiin inay bannaan bax sameeyaan taas oo an la saadaalin karin in rabshado ay iman karaan iyo inkale, maadaama oo ay tahay mid uguba oo ay u dhan yihiin labada xisbi isla markaan ku cusub shacabka .
dhankastaba ha u dhacdee arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaridku ay samaysteen gudi dhex ah oo ka kooban labada xisbi, isla markaana ay qaaten go'aan ah in diiwaan-gelin lagu galo doorashada madaxtooyada qaranka.
shirkani jaraa'id oo maanta ay iskugu yimaadeen dhamaanba warbaahinta dalka,kan hadleen laba gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah mudane axmed maxamed maxamuud{siiraanyo},iyo Eng.faysal cali waraabe.
halkaasi oo uu ugu horeynba ka hadlay guddomiyaha xisbiga kulmiye mudan Axmed siiranyo waxaana uu yidhi"hadaanu nahay labada xisbi waxaaanu ka wada hadlaynaa inaan mar dambe doorashada dib loo dhigin ilaa go'aanka laga noqdana anan wada hadal la yeelan doonin" gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay kuna dheeraaday in aan warbaahinta dawlada aanay dhex ahayn una xidhan tahay xisbiga talada haya oo kaliya .taasi oo uu ku sheegay mudane siiraanyo mid ku cusub dunida waxaanu intaa ku daray "waxaanu xaq u leenahay oo la arki jiray in loo sinaado hantida dawlada oo uu dadku wada leeyahay ha u muhiimsanaato warbaahintuye" arrintani ayaa ah mid guddomiyaha kulmiye uu inta badan ku dacwiyo kuna dhaleeceeyo xukuumada talada haysa.
guntii iyo gabagabadiina wuxuu siiraanyo wuxuu hadalkiisa ku soo afmeeray oo uu sheegay isla markaana goobta kula saxeexday heshiiska gudida labada xisbi, isagoo shacbigana ugu baaqay inay banaaan bax ku taageeran.
dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. faysal cali waraabe ayaa isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan siyaasada waayahan dambe laysku hayo isla markaana jiho habaabisay shacabka reer somaliland ,wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan"waxaanu aragnaa oo muuqata in madaxweyne riyaale uu u arko danta qaranka dan uu isagu leeyahay "
mudane faysal isaga oo taa ka duulaya wax uu si watay hadalkiisa kuna yidhi"waa inuu ilaaliyo dastuurka iyo shuruuucda dalka u taala oo aaanu u horseedin dhibaato"waxa kale oo uu gudoomiyuhu carabaabay hadii ay yihiin labada xisbi ee mucaaradka ah ay sannad iyo lixbilood kordhiyeen xukuumada tallada haysa isla markaana buu yidhi "aanu ku nidhi idinka oo dawlada ah nala tartama" Eng.faysal isagoo ku dheeraaday hadalkiisa waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlaya sulaadiinta dalka "sulaadiinta waxaanu leenahay shaqadiina ku eekaada oo beelihinii iyo magtiini qabta".
intaasi ka dib su'aalo badan oo ay saxaafadu waydiisay labada guddoomiye ayaa ay ku sheegeen inay ka midaysan yihiin mawqifka adag ee bannaan baxa ee ay wada qaateen.
sida ay hadalka u dhigeen iyagoo dhawraya amniga iyo xasiloonida dalka iyo inay doonayaan in la sameeyo dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah.
mar wax laga waydiiyay labada gudoomiye xaalada adag ee uu dalku ku jiro ee ku saabsan ololaha doorashada iyo sida ay maalin iyagoo isku duuban u banaan bixi karaan?
waxay ku jawaabeen "labadayadii maalmood ayaanu maalin isku qaadanaynaa mana jiro wax naga hor joogsanayaa".
waxa kale oo isla goobtasi lagu waydiyay Eng.faysal
waxaa jira in xukuumadu kugu eedaysay in aad tahay dambiile qaran isla markaana laguu gu hanjabay in lagu xidhi doono taa maxaad ka qabtaa?
su'aashan oo aanu wax jawaab ah ka bixin Eng.faysal ayaa wax ka jawaabay Axmed siiranyo waxaanu yidhi"cidii dambiile ahi way caday waanay muuqataa una malayn maayo in hanjabaad wax lagaga qaadayo faysal".
iskusoo wada duuboo waxaa intaa lagu soo gunaanaday shirkan jara'id ee sida wada jirka ah ay labada xisbi ugu qabteen hotel mansoor isagoo ahaa mid si weyn saxaafadu u sugaysay,waxaanu ku soo gabgaboobay jawi dareenkiisa leh.
dhanka kale waxaa si weyn loo sugaya ifafaalada ka soo bixi doonta bannaan baxa ay abaabulayaaan labada xisbi mucaarad ee soomaliland hase ahaate baaqan ay xisbiyada mucaaradku haatan ku dhawaaqeen ayaan rajo weyn u noqonayn in khilaafka siyaasadeed ee hada lagu jiro aanu wax isku soo dhaweyn ah keenayn , baaqan oo loo balan san yahay maalint salaasada ee bishu tahay 18-8-2009 , si kastaba ha ahaatee waxaa jiray waxaa soo maray dalka banaan baxyo hore oo fashilmay isla markaana uu abaabulayay xisbiga kulmiye kuwaas oo isku dhac shacabka iyo ciidanka ahi ka yimaadeen, inkasta oo kani ka duwan yahay oo ay u dhan yihiin labada xisbi mucaarad ee kulmiye iyo ucid.
Qarannews desk
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment